Puntland oo ka hadashay Geerida Garaad C/llaahi Cali Ciid

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya Magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ku geeriyooday Turkiga.

AHUN Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ahaa Af-hayeenkii Isimada Puntland, wuxuu ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland, isagoo wax badan kasoo shaqeeyay nabadgelyada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa Alle uga baryey Marxuum Garaad Cabdullaahi Cali Ciid inuu danbigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo, ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday.