Cabdi Xaashi oo magacaabay guddiga doorashada Senatorada matalaya Somaliland (Akhriso)

Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa magacaabay 8-da Xubnood ee Guddiga Deegaan Doorashada Xildhibaannada ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland), isagoo hore u magacaabay Afartii xubnood ee Heer Federal ee Doorashada iyo Khilaafaadka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa hore Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyay in uu doonaayo in uu afduubto doorashada xildhibaanada kasoo jeedda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.