Karaash oo dhagax dhigay xarunta Hay’adda Garsoorka Puntland (Sawirro+VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay xarunta hay’adda Garsoorka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa sheegey in Puntland ay ka go’an tahay in la helo xarumo garsoor oo ku haboon Shaqada ay bulshada u hayaan, kuwaasi oo leh tayo iyo shaqo wanaagba, waxaana dhismahan cusub fulintiisaleh Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahadceliyey cidkasta oo dadaal ku bixisay in la hirgeliyo, lana-helo xaruntan hay’adda Garsoorka Puntland, taasi oo muhiim u ah Dowladnimada.

Munaasabadda dhaggax dhigga dhismahan cusub waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeyb-galay xeer ilaaliyaha Guud ee DFS, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta, taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Masuuliyiin ka tirsan labada aqalka ee Baarlamaanka DFS, Agaaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, saraakiil ka tirsan hay’addaha Garsoorka Puntland, taliyaha ciidanka Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.