Xasan Sheekh “Kama Aqbalayno Fahad duminta Siyaasadda dalka” (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeyb galaya Barnaamij Dood wadaag uu soo qaban qaabiyay Xarunta tala soo jeedinta ayaa sheegay in aan Fahad Yaasiin oo ah midka majaraha u haya Madaxweyne Farmaajo aan laga yeeli doonin duminta uu la doonayo Siyaasadda dalka.

Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay Fahad Yaasiin in mudadii uu joogay Hay’adda NISA uu burburiyay Hay’adihii amniga Qaranka, uuna kala diray Ciidammadii Nabad-sugida, laguna sii daayay dalka.

“Milkiilaha la sheegayo waa la wada garanayaa waa Nin aan saaxibo nahay oo Fahad Yaasiin la yiraahdo waaye, isaga ayaa ka shaqeynaya dummin siyaasadeed kamana aqbali doono”.