Madaxweyne Deni “Khaliif Ciise Mudan wuxuu ahaa shakhsi muhim ku ah Puntland”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Jenaraal Khaliif Ciise Mudan oo ku geeryooday Dalka Turkiga.

Madaxweynaha Puntland oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Alle ha u naxariisto Gen. Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaan dareenka tacsida la wadaagaya dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland, Masuuliyiintii uu lasoo shaqeeyay, Saraakiisha Ciidamada, Ehelkiisii iyo qoyskiisii”

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Gen. Khaliif Ciise Mudan uu kamid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Puntland, sidoo kalena uu door muhiim ah kulahaa dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliya.

“Runtii Marxuumku wuxuu ahaa shakhsi wakhti badan geliyay dhismaha Dowladdnimada Soomaaliya, isagoo soo noqday Saraakiishii Ciidamada Cirka ee Soomaaliya dowladd dhexe. Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, isagoo soo noqday Wasiirka Amniga, wuxuu shakhsi muhim ku ah Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Deni