Madaxweyne Farmaajo oo taageeray duulaanka Abiy ku qaaday Ismaamulka Tigreega

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Villa Soomaaliya La-taliyaha Amniga Qaranka Dowladda Itoobiya Gedu Andargacho.

Kulankaan ayaa ahaa mid aysan shaacin Madaxtooyadda Soomaaliya laakiin ay shaacisay Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Muqdisho, waxana kulankan looga hadlay taageerada dowladda dhexe ee Soomaaliya ee Midnimada Itoobiya.

Amb. Jamaludin Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa xalay bartiisa Facebook ku shaaciyay kulanka La Taliyaha Amniga Qaranka iyo Madaxweyne Farmaajo, ayna is weydaarsadeen waxyaabo kala duwan sida hawlgalka sharci fulinta ee dowladda Itoobiya ka wado waqooyiga Itoobiya.

Amb. Jamaludin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo u muujiyay midnimo iyo taageero ku aadan hawlgalka sharci fulinta ee socda.

Dhawaan ayay aheyd markii xilka laga qaaday Wasiirkii Arrimaha dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliy kaddib markii uu soo saaray warqad uu kaga hadlay Xaaladda dalka Itoobiya iyo go’aanka Soomaaliya.