Puntland oo baaq u dirtay Ha’adaha caalamiga ah (VIDEO)

Guddiga xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay qaar ka mid ah Gobolada Puntland ayaa magaalada Garoowe kulan kula qaatay Hay’adaha ka howlgalla deegaanada Puntland.

Shirkan ayaa intii uu socday diirada lagu saaray baahiyaha ka taagan Binu aadantinimada ee ka taagan Deegaano kamid ah Gobalada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in xaalad adag ay ka dhalatay Duufaanta GATI, isagoona xusay in Hay’adaha looga baahan yahay siday qeyb uga noqon lahaayeen in si deg deg looga jawaabo xaaladan.