Lafta-gareen “Dadka shiraya ee diiddan guddiyada maaha inay xumaan ka eegaan” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad casho sharaf aheyd oo sagootin loogu sameynayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay arrimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan.

Madaxweynaha Lafta-gareen ayaa sheegay sheegay in guddiyada hadda laga cabanayo afar sano ka hor sidaan oo kale loo magacaabay.

“Dadka shiraya ee diiddan guddiyada maaha inay xumaan ka eegaan waxa wanaagsan ee aan samaynayno dib ha u fiiriyaan, waxay horay usoo sameeyeen, waxaan leeyahay ha u xiisina wixii xumaa ee aad horay u soo sameyseen” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dadkii ugu haboonaa ay u xusheen xubnaha ku metelaya guddiyada, isagoo goobta ka yeeriyey magacyadooda, waxuuna sheegay in aysan wax xil ah ka heyn Koonfur Galbeed ama dowladda Dhexe.

“Dadka guddiyada ka cabanaaya ha is weydiiyeen adigu maxaad soo sameysay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.