Madaxweyne Deni oo maanta dib ugu soo laabanaya Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib socdaal qaatay muddo ka badan bil oo uu ugu maqnaa Dibedda.

Madaxweyne Deni ayaa goor-dhaweyd diyaarad kasoo raacay magaalada Nairobi oo maalmo uu ku sugnaa, kana waday kulamo isagoona duhuradii kusoo wajahan Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa intii uu joogay Nairobi la kulmay Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Madaxweyne Farmaajo, Wakiillada Beesha Caalamka iyo Madaxda Dowladda Kenya, kuwaas oo ay ka wada-hadleen xaalada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa intii uu ku maqnaa safarkiisa Dibedda tagay dalal ay kamid yihiin Itoobiya iyo Imaaraadka carabta, isagoona kulamo la qaatay Madaxda ugu sareysa dalalkaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ay Puntland ay la lee dahay.