Dowladda Soomaaliya oo eriday Safiirka Kenya, una yeertay Tarsan (VIDEO)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, iyadoo safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa ku amartay unuu dalkiisa ku laabto

Ilo diblomaasiyadeed ayaa inoo xaqiijiyay in Safiirkii Kenya Lucas Tumbo ee caawa DFS ku amartay inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto uu maalin ka hor ka tagay Muqdisho, isagoona ku sugan Magaalada Nairobi.

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Tarsan ayaa isna maalmahan ku sugnaa Muqdisho, waxaana la sheegayaa in saaka laga baajiyay safar uu ku aadi lahaa Nairobi.