Baarlamaanada Puntland iyo Zambia oo kulan ku yeeshay Magaalada Lusaka (Sawirro)

Xildhibaano ka socda Golaha Wakiillada Dowladda Puntland uuna hoggaamiyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Xildhibaan Cawil Xassan Daad ayaa xarunta Golaha Qaranka ee dalka Zambia ( National Assembly of Zambia) kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Zambia Hon. Dr Patrick Matibini iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Dr. Howard Kunda.

Baarlamaannada Puntland iyo Zambia ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, sidoo kalena, halkaas waxaa la isku dhaafsaday, dood cilmiyeed ku saabsan waajibaadka iyo masuuliyada Guddiyada maaliyadda, Xisaabaadka, Hantidhawrka & wada-shaqeynta Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha amniga.

Weftiga ka socda Golaha Wakiillada Puntland ayaa u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Zambia salaan ay uga sidaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Hanti-dhawrka Guud Mudane Cabdirisaaq Cumar Madoobe, khabiiro dhinaca Qaanuunka Iyo Xisaabaadka, la taliyayaal sar-sare, madax ka socta Barnaamijka maareynta Xisaabaadka Dawladda ee loo yaqaan ( Public financial management – PFM ) Iyo Hawl-wadeeno ka tirsan labada Baarlamaan.