Puntland oo amar dul-dhigtay Shirkadaha Isgaarsiinta ee Golis iyo Somtel (Akhriso)

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Mudane C/llaahi Cali Xirsi (Tima-cadde), ayaa ku amray Shirkadaha Isgaarsiinta Golis iyo Somtel in wixii ka dambeeya berrito oo taariikh-du tahay 5-December aan $1 dollar iyo wixii ka yar la isugu diri karin Adeegyada SAHAL & E-DAHAB.

Amarkan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ayaa ka dambeeyay go’aankii kasoo baxay shalay Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.