Yuu khatar ku yahay Joojinta Sh.Somaliga Ee Dekeda Bosaso??

Shacabka caadiga ah waxa dhibka ku hayay waxay ahayd Lacagta laysku xawilo,taasna Dowladu talaabo bilow ah oo sii socon doonta sida aan ku xogta ku hayo ayay ka qaaday.

Dadka Danyarta ah ee haysta Sh.S gaarsiisan 1-Milyan ama nolosha hoose ee Shilinka aan looga maarmin,waa loo daneeyay,waxaana laga joojiyay waxii gaar siisan 1-dolar in aan laysku xawli karin.

Balse ganacsatada kasoo waarida Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya Shilin Somaliga ee ku xareeya Canshuurta Dekeda Bosaso ee ka qaata 40% Lacagahaas,ayuu go’aanka Dowlada taabtay.

Tusaale”

Hadaad joogto Deegaamada Somaliyada kale oo aad haysato 100-Milyan oo Sh.S. una baahatid Dolar ma heli kartid.

Balse Puntland markaad joogto intaad rabto oo dolar ah,ayaad heli kartaa oo ganacsatada,ayaa kuu fududaynaysa.

Shilin Somaliga Puntland loosoo waaridu waxaa lagu canshuuraa Alaabaha Dekeda Bosaso kasoo dega.

Joojinta Shilinka Somaligu ee Dekeda Bosaso khatar kuma ahan Shacabka caadiga ah,taa badalkeeda waxuu door ka qaadanayaa dajinta sara ukaca qiimaha dolar-ka.

Jibril Qoobey.