Xarig jiidka toban sano jirsaday Ee Puntland iyo Fadaraalka!!!

Xarig jiidka toban sano jirsadey ee u dhexeeya Federaalka iyo Puntland, wuxuu salka ku hayaa ismaandhaafsanaan ka imaaneysa waxa lakala aaminsan yahay iyo kaalimaha lakala leeyahay.

Federaalku waxay Puntland u arkaan maamul la mid ah maamullada kale, ayna tahay in kaalinteedu ku koobnaato, in ay ka hadasho danaha deegaankeeda.

Puntland-na waxay isu aragtaa hooyadii dhashay dowladda Federaalka iyo maamullada ka sii farcamay labadaba, waxay na aaminsan tahay in ay masuuliyad dheeraad ahi ka saaran tahay deegaannada kale, ayna xuquuqdooda u doodeyso inta ay ka xoogeysanayaan.

Waana sababta maanta la isugu mari la’yahay arrinta Gedo iyo Cabdi Xaashi, oo labaduba ka baxsan deegaannada Puntland iyo danaheeda tooska ah.

Isjiidkaan wuu sii jiri doonaa ilaa inta ay Federaalku puntland uga aqoonsanayaan xaalad gooni ah oo xal gaar ah u baahan, ayna tahay in la siiyo kaalin ka ballaaran tan maamullada kale, iyadoo la tixgelinayo miisaanka dhuleed, dhaqaale iyo khibradeed ee ay dheer tahay.

Cabdxakiin Diiriye.