Axmed Karaash oo Bosaso gaaray

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa lagu soodhoweeyay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Soo dhoweynta Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxaa ka qeybgalay xubnaha goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Boosaaso.