Golaha Musharaxiinta oo Farmaajo Qaswade u aqoonsaday

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada, bulshada rayadka ah iyo beesha Caalamka in ay qaswade u aqoonsadaan Madaxweyne Farmaajo, meelna looga soo wadajeesto, si wadajir ahna looga hortago ficillidiisa gurracan ee halista gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka.