Xasan Shiikh iyo wafti uu hogaaminayo oo usoo anba baxay Garowe

Waxaa goor dhoweyd garoonka Aden Ade ee Muqdisho ka duulay wafdi uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka mudane Hassan Sheikh Mohamud ayagoo kusii jeeda magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland oo ay uga qeyb galayaan Madasha Aragti Wadaaga ee HERITAGE INSTITUTE sanadka 2020.

Madasha Aragti Wadaaga Heritage Institute,ayaa sanadkan kulmineysa mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Musharixiinta, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, guddoonka labada aqal iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiin iyo hogaamiyeyaasha bulshada rayidka, ayadoona Madasha diirada lagu saari doono arimaha doorashooyinka, xasilinta amniga ee dalka, federalismka, dhameystirka dastuurka iyo hiigsiga doorasho qof iyo cod ah sanadka 2025.

Xafiiska Warfaafinta UPD

Email: Press@upd.so
Info@upd.so
Twitter: https://twitter.com/UPDParty
Website: http://upd.so/