Maxaa hor taagan dhamaystirka Dastuurka Somaliya??

Maxaa hor taagan dhamaystirka Dastuurka Somaliya??

Caalamka oo idil Dastuurka ugu dhakhsiyaha badan sida loo qoray waa kan dalka Japan?

Waxaa qoray afar iyo labaatan 24-Nin oo Mareykan ah.

7-beri gudahood,ayaa lagu diyaariyay,Gabadha keliya ee qeybta ka aheyd waxay qaabilsaneyd turjumada iyo in loo bedelo luuqada dadka Japan-ka.

Xafiiska Jeneral Douglas MacArthur oo ahaa Abaan duulihii hogaaminayey Ciidamadii Mareykanka ee qabsaday Dalka Japan,ayaa lagu dhex qoray.

Dastuurkaas waxuu ka kooban yahay 103-Qodob.

Waa kee Dastuurkii ugu wakhtiga dheeraa qoristiisa iyo diyaarintiisa??

Dastuurka ugu wakhtiga, diyaarinta iyo doodda dheeraa casrigan waa kan dalka Hindiya.

Guddi Sadex iyo Toban xubnood ka kooban iyo saddex boqol oo Ergay,ayaa diyaariyay.

Ergada iyo Guddiga qorayey Dastuurka,ayaa ku kala hadlayey Saddex iyo labaatan Af oo kala duwan.

Ergay walba Afkiisa,ayaa lagu heshiiyey in uu ku hadlo, hayeeshee Dastuurka waxaa lagu qoray luuqada English-ka.

Ergadaas,ayaa yeelatay boqol Lixdan iyo Lix fadhi oo dood, diyaarin iyo aragti wadaag ah.

Labo Sano iyo kow iyo toban bilood ayey ku soo saareen Dastuurka Aduunka ugu dheer, muddadaas yar,ayaa ergadu ku soo saartay Dastuur ka kooban Sadex Boqol Shan iyo Sagaashan Qodob iyo Labo iyo Toban lifaaq oo faah faahinaya awoodaha, masuuliyadaha iyo sida loo kala lee yahay xukunka iyo shaqada.

Waxaa xusid mudan in Boqortooyada dalka ingiriisku damacday ama isku dayday in ay qorto dastuurka dalka Hindiya,balse dadka Hindiya iyo hogaamiyaashooda,ay ka hor yimaadeen.

Lix iyo Sideetan kun iyo Labo Boqol oo dollar lacag u dhiganta maanta ayuu Hindiya ugu kacday qorida iyo faafinta Dastuurkooda.

Waa kee Dastuurka Aduunka ugu qadiimsan??

Dastuurka dalka Mareykanka oo ugu qadiimsan dunidaan casriga ah waxaa laga doodayey Shan iyo Sagaashan maalmood.

Guddi 5-xubnood ka kooban,ayaa qoray oo keenay 23-qodob, guddi kale oo shan 5-xubnood ka kooban,ayaa loo diray in ay hubin iyo hagaajin ku sameeyaan Afar 4-beri gudahood ayuu guddiga dambe ku soo saaray dastuur ka kooban 7-qodob oo kala saaraya awoodaha isu dheelitirnaanta iyo isla xisaabtanka xukuumadda, wakiilada shacabka Goboladda iyo Garsoorka.

Waxaa cajiib ah in aan dastuurada dalalka Mareykanka iyo Hindiya, midna teeb iyo kambayuutar lagu garaacin qoraalkooda ee qad riiqan, qori xaleef ah, gacan iyo warqad lagu qoray.

Dastuurka dalka Mareykanka Ninka gacanta qoray oo la yiraahdo Jacob Shallus,ayaa qidmad ahaan u qaatay $30 oo maanta u dhiganta $830.

Dastuurka Somaliya??

February 16, 2004 ayaa dastuurkeenna soo bilowday,17-sano ka dib waa mashruuc aan dhamaan oo weli qabyo ah.

2-Guddi oo mid baarlamaan yahay iyo midna Guddi madax bannaan yahay iyo wasaaradda dastuurka,ayaa tafaha wada heysta.

Su’aalo dhawr ah,ayaa mudan in lays waydiiyo,kuwaasoo laga xusi karo…

1.Maxaa ku dhacay dastuurka dalka Somaliya?

2.Maxaa ku hor gudban Dastuurka Somaliya?

3.Muxuu Dastuurku ahmiyad gaar ah ugu yeelan waayay hogaamiyayaashii dalka soo maray?

Gabagabadii??

Dastuurka Dalku waxuu u baahan yahay hogaamiye Wadaniya oo u istaaga, masuuliyad gaar ahna iska saara badbaadintisa iyo dhameystirkisa.

Jibriil qoobey