Video:-Wararkii ugu danbeeyay Ee doorashada Uganda

Madaxweynaha muddada dheer haya talada dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa hogaaminaya codadka ilaa iyo hadda la tiriyay ee doorashada madaxtinimada dalkaasi, inkasta oo uu hogaamiyaha mucaaridka Bobi Wine uu sheegay in doorashada lagu shubtay.

Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday Guddiga Doorashada, ayaa muujineysa in 91 boqolkiiba codadka la tiriyay uu madaxweyne Museveni ka helay 58.9%, halka musharraxa sida aadka ah ula tartamay ee ka socda mucaaridka Bobi Wine uu helay (34.6%).

Natiijada rasmiga ah ee doorahadani oo dhacday Khamiisti, ayaa lagu wadaa in ay soo baxdo goordhaw oo maanta ah.

Museveni, oo ah 76 ayaa talada Uganda soo hayay muddo 35 sanio ah, wuxuu wacad ku maray in haddii la doorto uu sii xoojin doono amniga iyo xasilloonida waddanka.