VIDEO: C/rixmaan C/shakuur “Banaan-baxeenu wuxuu la xariiraa in aan kalitalis dalku xukumin”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan banaanbaxa ballaaran ay ku dhawaaqeen Midowga Musharaxiinta.

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo soo duubay muuqaal ayaa shacabka u sheegay in banaanbaxa maalinta Jimcada ka dhici doono fagaaraha Daljirka daah-soon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ay hoggaaminayaan Musharaxiinta Madaxweynaha.