Dowladda oo ku dhawaaqday inaan banaan-bax lagu qaban karin Muqdisho (VIDEO)

Wasiirarada Amniga, Caafimaadka, Warfaafinta iyo Taliyayaasha Ciidanka Boolidka iyo Xoogga Dalka oo shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in isku imaatin uusan jiri karin, sababo la xariira cudurka COVID-19.

Sidoo kale, Masuuliyiinta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ay ku shaqeyn doonaan guryahooda.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya iyada oo midowga murrashaxiinta ay ku baaqeen bannaanbax ballaaran oo ka dhici doona fagaaraha Daljirka Dahsoon maalinta Jimcaha.