VIDEO: Ciidanka PSF-ta Puntland oo gacanta ku dhigay Qaraxyo

Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland oo howlgallo ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa ka hortagay qaraxyo ay Al-Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Boosaaso, kaddib markii Ciidanka PSF ay heleen warbixino ku aadan falal argagixisanimo oo ay damacsan tahay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa gacanta ku dhigay Ragii watay Qaraxyadan, iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada, kuwaas oo qayb ka mid ah loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland.