Shirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo baaqday

Shir lagu waday inuu maanta Magaalada Muqdisho uga furmo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa baaqday, kaddib markii inta badan Madaxda Dowlad Gobaleedyada ay ka baaqsadeen tagistoodii Muqdisho.

17-kii bishan ayuu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Farmaajo uu soo saaray qoraal uu madaxda Dowlad Gobaleedyada ugu sheegayo inay isugu yimaadaan shirkaas oo qorshuhu ahaa in 18-kii illaa 19-ka bisha oo maanta ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho, balse ma dhicin.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo kaliya ayaa hadda madaxda dowlad goboleedyada ka jooga Muqdisho, kaas oo shalay soo gaaray, waxaana muuqata inuu fashilmay jadwalkii shirka.

Xaalada Muqdisho ayaa kacsan, iyadoona jahwareer uu soo wajahaya Amniga magaalada oo ay ka dhacayeen tan iyo xalay iska hor imaadyo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo kuwa mucaaradka ah.