Madaxweyne Deni oo caawa la hadlaya Bulshada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa caawa la hadli doono Shacabka Puntland, si uu Warbixin uga siiyo xaalada Guud ee Puntland, Arrimaha Federaalka iyo heshiis la,Santa doorasho ee Dalka, muddo-xileedka dhamaaday ee Hay’adaha DFS iyo rabshadihii jimcihii ka dhacay Muqdisho.

Kulanka hadal-jeedinta oo ka qabsoomaya xarunta PDRC ayaa la filayaa in Madaxweyne Deni uu si gaar ah Bulshada Puntland ugu Cadeeyo mowqifka Dowladda ee xaaladaha hada taagan iyo dadaalka Puntland ay galisay in heshiis laga gaaro Doorashooyinka dalka, waxaana su’aalo weydiin doona Saxaafaddu.