Waxgaradka Soomaaliyeed oo baaq kasoo saaray xaalada cakiran ee Dalka (Akhriso)

War-saxaafadeed kasoo baxay Indheergaradka Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xaalada cakiran ee Dalka, heshiis la,aanta Doorashooyinka xilli uu dhamaaday muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo Hay’adaha kale ee Dastuuriga ah, iyo weeraradii jimcihii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo lagu qaaday Madaxweynayaashii hore ee Dalka iyo xubno kale oo kamid ah Midowga Musharixiinta oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.