Jeeniqaar “Al-Shabaab waxay qorsheynaysay weerarka xabsiga Boosaaso 7 bilood”

Taliyihii hore ee Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB Gaashaanle Jeeniqaar Sheekh Cumar, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay Weerarkii Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab xalay ku qaaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Gaashaanle Jeeniqaar Sheekh Cumar.

Ciidamada Puntland waxay dagaal kula jireen Argagixisada mudo ku siman 26 sano oo weerer iyo weerer celin guul iyo guul daro, dhagar iyo khayaano sahaniyo wardoon maalmo badan ayay guuldaro iyo hungo la huleeleen argagixisadu waxaana ka xusi karaa saliid, Garoowe, Bacaad weyn Galgala. sugure garmaal madarshoon garacad Qandala calmadow iyo calmiskood mudadaas 26 sano ah waxaa ciidamada Puntland ayagoo kaashanaya shacabkooda ay kagaareen guullo la taaban karo sidoo kale waxaan ku wayney wiilal iyo gabdho reer Puntland ah dagaalkuna ma ahayn mid kala joogsadey mudadaas Ciidamada puntlan iyo argagixisana arxankama dhexeeyo dagaalkana horey ayaa loogu jirey

qorshaha lagu weeraray xalay xarunta xabsiga Bosaaso oo ahayd xabsigii maxaabiista ugu badan ee AL.shabaab ay ku jirtey waxaa uu socdey mudo dheer oo ah ilaa ( 7 bilood iyo maalmo ah ) Xogtana waxaa ay ahayd mid aan la wadaagney laamaha amniga Puntland Ciidamaduna waxaa ay galeen hawlgalo aad u badan si hawshaas looga hortaho sida aad ogtihiin bishii 5aad iyo 6aad 7aad 10aad ee sanadka 2020 ciidamadu waxay qaadeen hawlgalo dhamaystiran ee sida madarshoon sugure Galgala Qandala iyo af urur Ciidamadu waxaa ay dagaal kula jiraan argagixisada waxayna ka gaareen guulo lataaban karo kuwo garab leh iyo kuwo garab la aan ahba oo ay puntland kaligeed ku tahayba
laamaha amnigu waxay qabteen bishii 6aad iyo 7aad ee sandka argagixiso Lagu soo Tababaray Bu,aale iyo howdka u dhexeeye Baladwene iyo Ceelbuur tiradii ay argagixisada Al.shabaab ay ugu talagaleen in ay ku weeraraan xabsiga 7aad ee 2020 waxaa dhabar jab u geystey laamaha amniga Puntland

Argagixisadu waxay isticmaashaa dareenka bulshada waxayna maleegaan dhagar mudo dheer ayagoo ka fogaanaya waxkasta oo lagu dareemi karayo ama shaki galinkara bulshada ayagoo adeegsada wadiiqooyin ciriiri ah inta badana iska soo dhiga isuna soo ekaysiiya dadka aan hubaysnayn si ay u gaaraan goobta ay ka samaynayaan falka

1 waxaay wakhti ku bixiyaan naqshada ama dhismaha Goobta ay weerarka argagixiso ku samaynayaan

2 waxay caqabado ama moos dhigaan wadooyinka laga soo gali karo marka ay gaaraan goobta ay kusamaynayaan weerarka argagixiso

3 waxay wakhti aad u badan Galiyaan wadada ama qaabkii ay ku baxsan lahaayeen dhacdada kadib

4 waxay leeyihiin koox ama qareemo leexiya qorshaha weerarka ama aragtida bulshada kuwaas oo inta ay xaaladu socoto dhagaha bulshada ku sii shuba waxyaalo aan ahayn qorshaha dhabtaa ee argagixiso kuwaas oo dhaliilo maamul iyo kuwo ciidan soo dhiga baraha bulshada xaaladana ka dhiga mid faraha looga gubtey

5 waxay si xoogleh u isticmaalaan ama wakhti galiyaan warbaahinta qofka kaamirada u sida ama online ka uga tabinaya warbixinta waxaa uu uga qaalisanyahay dhamaan argagixisada hubaysan ee weerarka soo qaaday waxayna u badan tahay in uu bad baado qofka sawirqaadaha u ah waayo waxay u ilaaliyaan si aad u saraysa

6 waxay awooda saraan xogta iyo warbixinta ama marxada deegaanka iyo wax kasta oo xaalad ah taasi oo u ah salka ama xudunta xaaladooda

7 waxaan halkan ugu mahad celinayaa Hagaanka sare ee Puntland oo si deg deg ah uga jawaabey dhacdadii xalay iyo ciifamada Difaaca Puntland iyo Hogaankooda oo ah mid u taagan difaaca iyo ilaalinta bulshada somaliyeed ee ku nool puntland waxan ognahay in ay ciidamada Puntland 26 sano kula jireen dagaal aan cidna ka taageerayn Al.shabaab iyo Daacish waxaana lagama maarmaan ah in ciidamada la garab istaago Gulufka colaadeedna laga qayb qaato .

Jeeniqaar Sheekh Omar