Madaxweyne Deni oo ka degay Boosaaso, kulana la leh Saraakiisha Amniga (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku labisan dareeska Ciidanka ayaa gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kaddib markii Kooxda Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaaday xabsiga weyn ee Magaalada.

Madaxwayne Deni safarkiisa deg Dega ah ayaa ah safar shaqo oo la xiriira u kuurgelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan Gobolka, isagoo kulamo la leh Saraakiisha Amniga iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Bari.