Yaa leh Mas’uuliyadda fashilkii xalay ka dhacay Xabsiga Boosaaso ?

Talyaha Qaybta,Gudoomiyaha Gobolka,Duqa Bosaso iyo Agaasimaha Sirdoonka haduusan xilka ka qaadin Deni wax badan haka sugina.

Jabka oo aad qirataa waa qayb ka mid ah geesinimada iyo guusha.

Gudoomiyaha Gobolku waa qayilayay markii weerarku bilowday xalay saq dhexe.

Talyaha qaybtu 3-dii,ayuu gaaray Xabsiga,isagoo Kaamira wata,argagixisaduna 1-dii waaba iskaga baxday.

Majirin Ciidan Roonda ah oo Xaafadaas joogay ama ka hawlgalayay.

Sidoo kale Talyaha Qaybta Boolisku intii Alshabaab diyaarinayeen hawlgalkan waxuu fasax ujiray Nayrobi.

Duqa Magaaladu waxuu ku guuldaraystay in Maamulkiisu la socdo dhaqdhaqaaqa Xaafadaha doorkiisa amnina qaato.

Agaasimaha sirdoonka Pl shaqadiisu waa qayilaad iyo tumasho,waana qayra masuul aan waxar jabtay lagu aamini karin.

Ku xigeenka sirdoonka Goobe waxuu toos ugu xiran yahay NISA.

Caseyr shaqadan maba yaqaan ee hab beeleed oo ay Madaxweynaha isku jifo hoose yihiin ayuu ku jooga Madaxa Maamulka Sirdoonka.

Waxii xalay dhacay Deni waxaa looga qanci karaa in uu Ragaas meesha dhaafiyo !!

Jibril Qoobey.