Madaxweynaha Jabuuti “dadka ayaa igu khasbaya inaan markii 5 tartamo”

Generated by IJG JPEG Library

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in lagu khasbay inuu markii 5-aad u tartamo xilka Madaxweynaha, balse uusan asagu aheyn mid mansab jecel.

“Waa laygu khasbay in aan is sharraxo mar kale, waliba dhallinyarada ayaa i khasbay, ma ihi nin mansab jecel, aniga oo aan hadlin ayaa lay dhahay joog” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu “gaboobay”, shaqada uu hayayna ay ku wanaagsan tahay dhallinyaradu inay qabtaan. Marar hore ayuu madaxweynuhu sheegay inuusan u tartami doonin xilka doorashada.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan ku dhawaaqay inuu mar kale isku sharraxaya xilka madaxtinnimada doorashada bisha soo socoto dalkaasi ka dhici doonta,