Xeer ilaalinta Puntland oo digniin u dirtay Shaqaalaha UN (VIDEO)

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa muddo 6 cisho u qabtay shaqaalaha u shaqeeyaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ee aan bixin canshuurta ku waajibtay musharaadkooda.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in talaabo uu xafiiska xeer ilaalinta ka qaadi doono hadii ay canshuurta lagu lee yahay ku bixin wayaan mudada loo qabtay.