Xubno kamid ah Al-Shabaab oo lagu dilay Gobalada Shabeelooyinka

Howlgalo ayay ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen deegaanada u dhaxeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose,iyadoo howlgaladas lagu diley dagaalamayaal ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegeyaan in howlgaladan ay ka mid ahayd duqeyn cirka ah oo loo geystey deegaano ay ka mid yihiin Basra iyo Daniga Baallow.

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay kala wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobollada Shabeelooyinka, isla markaana howlgalkii ay qaadeen ay qeyb ka ahaayeen duqeymo dhinaca cirka ah.

“25 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalamayaal ayaan ku dilney howlgaladan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 15 kalen, waxaana ka mid ah amiirkii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanadan,”ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Ururka Alshabaab ayaa waxaa ay fariisimo ku leeyihiin deegaanada u dhexeeya Balcad iyo Afgooye,hase yeeshee waxaa hore weeraro noocan oo kale ah uga fuliyay ciidamada dowlada.