UK oo joojisay Dadka ka imaanaya dalal ay kamid tahay Soomaaliya

Boqortooyada Midowday (UK) ayaa  shaacisay in afar dal oo kale, oo ay ku jiraan saddex dal oo Carab ah, lagu dari liiska dalalkooda aan dadkooda loo ogoleyn sababo la xariira covid-19.

Dadka ka socda Cumaan, Qatar iyo Soomaaliya ayaa loo diidayaa inay galaan UK laga bilaabo Jimcaha.

Dadka haysta baasaboorada Ingiriiska ama Irish, ama kuwa xaq u leh inay muddo dheer sii joogaan Boqortooyada Midowday, waa laga dhaafi doonaa, laakiin waxay ku qasbanaan doonaan inay hoteel karantiil u ahaadaan 10 maalmood markay yimaadaanba.

“waxay gacan ka geysan doontaa yareynta halista noocyo cusub covid 19 – sida kuwa markii ugu horreysay lagu ogaaday Koonfur Afrika iyo Brazil – ee soo galaya Ingiriiska.”ayaa lagu yiri war kasoo baxay UK.

Itoobiya ayaa sidoo kale lagu daray liiska casaanka Isniinta, halka Portugal iyo Mauritius laga saaray.

Tallaabooyinka cusub ayaa dhaqan galaya 4-ta galabnimo ee Jimcaha. Waxyaabaha cusub ee lagu daray liistada ayaa ka dhigan in afar dowladood oo Carab ah ay hadda ku jiraan liiska casaanka ee Ingiriiska: Cumaan, Qatar, Soomaaliya iyo Imaaraadka, oo lagu daray bishii Janaayo.