Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Waxaa socda qorshe lagu kala qeybinayo Ciidanka Xoogga Dalka”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay inuu socdo qorshe lagu kala qeybinayo Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo loo kala saaray kuwo daacad u ah Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo kuwo ku howlan danta qaranka oo kaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in qorshahan ay ku Howlan yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raagi iyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee XD Gen. Biixi.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo daacadnimadooda taliyaha ciidanka Generaal Odawaa taliyaha ciidanka lugta Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan.

Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka.

Waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo.