XOG: Farmaajo oo xalay la kulmay Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe, una abaal sheegtay

Mohamed Abdullahi Farmaajo, Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS ayaa xalay kulan kula yeeshay Villa Somalia Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay sidii aysan saddexdan Maamul uga sii mid ahaan lahaayeen, garabka Farmaajo ayaa waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Finish.

Xubno ku dhow Madaxtooyadda ayaa sheegaya in intii kulanku uu socday ay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin walaac ka muujiyeen mowjadaha ay dul sabeynayso Rajadadii ay ka qabeen in doorasho ay hubaan inay kusoo laaban karro Madaxweyne Farmaajo wadanku aado, iyagoo sabab uga dhigay is jiidjiidka dheeraaday ee ay la galeen Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa kulanka ka sheegay inay lumiyeen dhaqaale badan oo keydka ugu jiray, ayna muuqan inay heli doonaan Lacag ka badan 10 Milyan oo ay u balanqaaday Dowladda Qatar, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka jaratay Villa Somalia Lacagtii bilaha aheyd ee ay siin jirtay.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa ugu dambeyntii Farmaajo uga dalbaday saaxibadiisa uu soo saaray, inay taageeri u muujiyaan qorshayaasha uu la tagi doono Shirka Afisyooni ee ay Beesha Caalamku garwadeenka ka tahay, isagoona ugu abaal sheegtay inuu soo bixitaankoodii ku bixiyay dhaqaale iyo Ciidan, uuna ku eedoobay.

“Anigu idinka ayaan dhaqaale iyo Awood wixii aan hayay idinku gaarsiiyay maqaamka aad igula fadhidaan, aana ku galay eed aan waligeed iga hareen” ayuu ku yiri Farmaajo Madaxweyanayaasha 3 Maamulka, sida ay sheegeen saraakiil ku dhow mid kamid ah 3 Madaxweyne.

Idilnews