XOG: Fahad Yaasiin oo ku wajahan Gobalka Gedo, iyo Ujeedada Safarkiisa

Agaasimaha hay’ada sirdoonka NISA Fahad Yaasiin, Saraakiil ciidan oo ay ku jiraan Generaal Biixi, Saadaq Joon iyo Farxaan Qaaroole ayaa bari ku wahan degmada Doollow ee gobolka Gedo, sida ay Idilnews u sheegeen saraakiil dhanka amaanka ah waxa ayna ka qayb galayaan heshiis ay wada gaareen DF iyo Wasiir Janan.

Gaadiidka nuuca aan Xabadu karin ayaa maanta laga dajiyay Doollow waxaana loo diyaariyay saraakiisha ku wajahan gobolka.

Maalmo ka hor degmada Doolow waxaa la geeyay boqolaal ka tirsan ciidanka Hay’adda NISA.