Sadiiq Warfaa “Dalkan wax muddo-kordhin ah kama shaqeyn karto” (VIDEO)

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Baarlamaamka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa si adag uga horyimid muddo-kordhin loo sameeyo Farmaajo iyo Hay’adaha Dowladda xiligeeda Dastuuriga ah dhamaaday.

Xildhibaan Sadiiq ayaa sheegay in aysan aqbaleyn muddo-kordhin isagoo ugu baaqay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday inuu ogalaado in dalku doorasho aado, si loo ilaaliyaha Dilmuquraadiyadda curdanka ah ee ay ku hanaqaaday Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya.

“Dalkan wax muddo-kordhin ah kama shaqeyn karto, Jamhuuriyadda 3 Saddexaad waxay kusoo hanaqaaday Dilmuquraadiyadan curdanka ah, waana in dalku doorasho aadaa” ayuu yiri Sadiiq Warfaa.

Idilnews