Puntland “Shirka Afisyooni waa mid hordhac ah oo albaabadu u xiran yihiin” (VIDEO)

Shir horu-dhac ah oo u dhexeeya Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa goor-dhaweyd ka furmay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho, kaas oo looga Ajandaha Shirka dhameystirka doorashada kaas oo si rasmi ah maalmaha soo socda u furmaya.

Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Deperani, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Shirka oo ka socda teendhada Afisyooni waa mid ay albaabadu u xiran yihiin, waxaana ujeedkiisu yahay in is afgarad laga sii gaaro Ajandaha iyo habka uu u qabsoomayo Shirweynaha wadatashi ee arrimaha Adoorashada.”

Idilnews