Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii Ciidanka PSF-ta Puntland iyo Daacish

Dhaban cado,Abaaruc, iyo Digaale waa Buuraha dhinaca Qorax ka dhac ka xiga Baliga 15-km ayey u jiraan ilaa 20-km.

Ciidamadu gelinkii hore guulo waa weyn ayay gaareen laakiin soo noqodkii ayey argagixisadu jidka ugaleen.

11-dhaawac iyo labo dhimasho ah ,ayaa Ciidamada soo gaaray.

Dhinaca Daaciish Maleeshiyo fara badan,ayaa laga dilay, waxaana la qabtay Gaari qarax siday iyo maxaabiis aan tiradooda la ii xaqiijin.

Ciidamadu waxay joogaan Banka Qara oo waa kasoo degeen Buurihii lagu dagaalamay.

Gurmad xoog leh oo ka kala yimid Talisyada PSF iyo Madaxtooyada,ayaa u yimid dhaawaciina kasoo qaaday.

Alshabaan,ayaa iyaguna ka ag dhawaa halkaas lagu dagaalamay maanta.

Waagu haduu baryo waxaa dhici doona weerar balaaran oo laba afle ah oo ay qaadi doonaan Ciidamada Puntland.

Jibril Qoobey.