Xuska maalinta miinada Adduunka oo lagu qabtay Goldogob (VIDEO)

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Mudane Cabdullahi Cabdisalaan Xassan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa ka qayb galay kulanka xuska maalinta miinada aduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda iyo hay’adda miinada ee aduunka (UNMAS), kaas oo lagu xusay Degmada Goldogob guud ahaan Somalia.

Xafladan ayaa darneed in lagu baraarujiyo dadka ku nool deegamada miinaysan sida Goldogob siday isaga ilaalin lahayeen walxaha qarxa ee ku xeeran iyo sidoo kale sidii loogu qareemi lahaa deeganada Puntland ee miinaysan indhaha caalamkana loogu soo jeedin lahaa sidii si wadajir ah wax looga qaban lahaa.

Ugu danbeyn waxaa xafladan goobjoog ka ahaa daneeyayaasha iyo saxiibada Puntland ka caawiya dabargoynta arimadan aafeysay bulshada ee miiniyinka iyo haraadiga walxaha qarxa isugu jira sida HALO TRUST, NPA iyo UNMAS.