Madaxweyne Axmed Madoobe oo Isbedel ku sameeyay hoggaanka Booliska iyo Sirdoonka Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa isbadal ku sameeyay Taliyayaasha kala duwan ee Hay’adaha amniga Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland u magacaabay S/G Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku-xigeenkiisa uu magacaabay G/S Maxamed Guuleed Xasan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Agaasimaha Guud ee Hay’adaha Nabad-sugida iyo Sirdoonka Jubbaland (JISA) u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye.