Puntland iyo Galmudug oo iska kaashanaya nidaamka canshuuraha (VIDEO)

Madaxda Wasaaraddaha Puntland iyo Galmudug ayaa kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii Puntland iyo Galmudug isaga kaashan lahaayeen Cashuuraha Garoomada, Kontaroolada iyo cashuurta lala baxsado sidii wax looga qaban lahaa.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Waaxda Furdooyinka ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mahdi Faarax Qambi oo ay weheliyaan Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug ee Puntland Ismaaciil Cabdinuur Geesey, Maamulaha Kastamka Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug iyo Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha.

Dhanka Galmudug waxaa kulanka goobjoog ahaa Isuduwaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug ee Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha gobolka Mudug ee Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankan ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo wadashaqeyn si buuxda u dhexmarta labada Wasaaradood ee Puntland iyo Galmudug.