VIDEO: Ra’iisul Wasaare Rooble oo waji gabax kala kulmay saraakiisha Beesha Habargidir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waji gabax kala kulmay Saraakiisha Beeshiisa Habargidir oo habeen kahor kulan uu kula yeeshay xafiiskiisa, kaddib markii ay ku gacan seyreen dalab uu u soo jeediyay oo ahaa inay kursiga ku difaacaan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay Idilnews in Rooble uu u sheegay Saraakiisha ku beesha ah in Habargidir aysan muddo helin mansabka uu ku fadhiyo loona baahan yahay inay ku difaacaan kursiga, maadama hadii Farmaajo meesha uu ka baxo ay waynayaan kursiga.

Saraakiisha Rooble la kulantay oo ah kuwo Ciidammo ku heysta gudaha Muqdisho iyo Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa iska diiday warka Rooble, waxaana ay uga digeen in uu mar labaad la hor yimaado war noocan oo kale, iyagoo sheegay inay difaaci doonaan, kuna garab yihiin midowga Musharixiinta iyo Gen. Saadaq John.