Farmaajo oo isaga oo niyad jabsan kusoo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa goor-dhaweyd dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu waji gabax kala kulmay Safarkiisii DR Congo.

Farmaajo oo socdaalkiisu qorsheysnaa inuu labo maalmood ku joogo Kinshaasa ayaa doonayay in Midowga Africa oo Wakiil ka ah Mareykanka, UK, EU iyo Qaramada Midoobay uu ka gado in la dhiso nidaam cusub oo doorasho, oo bedelaya kii 17-kii September, maadama uu fashilmay qorshihiisa muddo kordhinta loo sameeyay.

Balse Farmaajo ayaa taas wax ka badalan kala soo kulmay Madaxweynaha Congo ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, kaas oo si cad ugu sheegay in aysan soconay qorshayaashiis, taas kaliftay inuu isaga soo cararo Kinshaasa.

Waxaa loo qabtay 3-casho oo uu ku qoro warqad uu uga laabanayo mudo kororsigii.

Midowga Afrika warqad baa looga hormariyay digniin ah,isagana waa lasii sheegay in uusan waxba ka soo faa’idayn.

Saraakiishii CIA ahaa ee garoonka Aadan-cade kula kulmay kana sii qaatay,ayaa si rasmi ah wax walba ugu xaqiijiyay.

Haduu fulin waayo amarkaas isaga iyo 15-ka mid ah shaqaalihiisa iyo qoyskiisa waxaa laga qaadayaa Basaboorada,waxaana laga xanimayaa lacagta,waana loo gudbiyay magacyada dadkaas la cunaqabataynayo.

Qorshe walba oo uu la yimid waa lagu soo diiday hoos baana loo dhigay markuu Kinshasa tagay.

Sida xoguhu xaqiijinayaan Sabtida in Shirkii Doorashadu furmo oo ay isku soo laabtaan D.Goboleedyadu.

Jibriil Qoobey.