Ciidanka Amniga Puntland oo Boosaaso ku qabtay Hub iyo Rasaas fara-badan (VIDEO+Sawirro)

Ciidanka Amniga Puntland oo howlgallo ka sameeyay xalay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa gacanta ku dhigay Hub, Rasaas iyo Ragii watay, sida uu shaaciyay Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari.

Howlgalkan oo ka dhacay xaafado kamid ah magaalada Boosaaso, ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Booliska, PMPF, Sirdoonka. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay socdaan baaritaano lagu hayo Raga lasoo qabtay.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shacabka magaalada Boosaaso uga mahad-celiyay sida ay ula shaqeynayaan laamaha Amniga, waxaana uu sheegay in Ciidammada ka go’an tahay ka hortaga dhibaatooyinka ay shacabka u maleegayaan kooxaha Argagixisada ah.