VIDEO: Sidee ku bilowday dagaalka Ciidanka NISA iyo Shaqaalaha Immigration-ka ee ka dhacay garoonka Muqdisho ?

Shaqaaqo u dhaxeysay Nabadusgida dharcada iyo shaqaalaha Waaxda Socdaalka ayaa saaka ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha, gaar ahaan qeybta dadka ka soo dega diyaaradaha caalamiga, gacan ka hadal ka dhashay muran labada dhinac soo kala dhex galay ayaa sababay inuu burbur soo gaaro muraayadihii miiska Immigration-ka iyo qalabkii yaallay qeybta hubinta ee dal ku galka iyo gelitaanka loogu dhifto dadka soo dega.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacan uu ka dambeeyay markii shalay dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan, hase ahaatee intii ay howshaas socotay ayaa Nabadsugida dharcada ee garoonka ay dalbadeen inay raggan la wareegaan, balse ay shaqaalaha Waaxda Socdaalka u sheegeen in marka hore raggan la hubiyo, intaas kaddib Nabadsugida ayaa raggan ajnabiga ah xoog ku watay, waxaana dhacday in gacan loo qaaday mid ka mid ah saraakiisha waaxda Socdaalka.

Intaas kaddib saakay iyadoo rakaabka ka soo degay diyaaradda Turkish Airlines oo safaf ku jira ayaa isku dhac gacan ka hadal ah uu dhex maray shaqaalaha waaxda Socdaalka iyo Ciidanka Nabadsugida, waxaana isku dhacaas uu sababay dhaawac iyo inay muraayadihii miiska hubinta dadka soo degaya ay daataan.

Arrintan oo markii ugu horeysay ka dhacday Garoonka, qeybta caalamiga ah ee Dibadda ayaa muujineysa fowdada ka jirta Isha dalka laga soo galo ee Garoonka Muqdisho