Sheekh Shariif oo taageeray bannaan-baxyada ka dhanka ah Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed, ayaa soo dhaweeyay Bannaan-baxyada ka bilowday Magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu diidan yahay xukunka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook Sheekh Shariif ayuu ku yiri “Waxaan soo dhaweynayaa banaanbaxyada nabadeed ee lagu diidan yahay muddo kororsiga sharci darrada ah ee qaybaha bulshada Gobolka Banaadir ay ka dhigayaan magaalada Muqdisho.”

Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay Bannaan-baxyadan tallaabo lagu difaacayo xoriyadda hadalka iyo dilmuquraadiyada.

“Waa tallaabo lagu difaacayo xorriyadda iyo dimuqraadiyadda, waxaana aaminsanahay in dibadbaxyadu yihiin habka ugu wanaagsan ee ay shacabka ku muujin karaan dareenkooda.”

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dibadbaxyo ka dhan ah Farmaajo, oo mucaaradku u aqoonsadeen hoggaamiyo kooxeed, xoog ku degan guriga Madaxweynaha Dalka.