VIDEO: Farmaajo oo hoggaaminta doorashada uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ku dhawaaqay in Amniga iyo howlaha doorashada uu hogaamin doono Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna Golaha Shacabka ka codsaday in oggolaadaan in lagu laabto heshiiskii 17 September iyo doorasho dadban.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Ra’iisul wasaare Rooble uu la wareego arimaha doorashada iyo amniga. Hoosha doorashada uu isaga si toos ah halkaan ugala wareego.”