Farmaajo oo loogu baaqay inuu Is-casilo (VIDEO)

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ayaa ugu baaqay madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu xilka iska casilo.

Farmaajo ayaa la filayaa in uu maanta khudbad xasaasi ah oo la xiriirta xaalada dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho uu ka horjeediyo Golaha Shacabka, isaga oo ka dalban doona sida wararku sheegayaan in Baarlamaanku ka laaabto go’aankii carrada badan dhaliyay ee muddo kororsiga.

Xildhibaan Idiris Dhakhtar oo wariyaayaasha kula hadlayay gudaha hoolka Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu is casilo, madaama sida uu hadalka u dhigay loo adkaaday arrimaha siyaasadda.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in dalka la badbaadiyo sida uu hadalka u dhigay, madaama wali jidadka qaar magaalada Muqdisho u go’an yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.