Madaxweyne Deni oo fariin u diray shaqaalaha deegaanada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda 1-da May oo ah maalinta Shaqaalaha adduunka, wuxuu u hambalyeeyay Shaqaalaha Puntland.

“Munaasabadda maalinta Shaqaalaha darteed, waxaan u hambalyeenaya Shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Puntland oo lafdhabar u ah horumarka socda.

Waxaan bogaadinaya shaqaalaha ku jira furimaha hore, sida wiilasha iyo gabdhaha ka shaqeynaya Amniga iyo la dagaalanka COVID-19.

Sanadka waxay Shaqaalaha Puntland munaasabaddu ugusoo aaday iyadoo la tirakoobay Shaqaalaha, lana diyaariyay qorshaha kor u qaadista xirfadooda iyo kordhinta mushaharaadka” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.