Qaramada Midoobey iyo Turkiga oo soo dhaweeyay go’aankii lagu laalay mudo kordhinta

“Qaramada Midoobey waxay soo dhaweyneysaa go’aanka Baarlamanka Federaalka dib ugu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, kadib codsigii madaxweye. Waxaan ugu baaqaynaa hogaamiyaasha Soomaalida inay ku noqdaan wadahadalka oo ay diyaariyaan doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin, waxay kaloo QM soo dhaweynaysaa doorka doorashada hogaaminta ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”